KUTUBTA SOCOTO
LINKS

SIYAARADII SH.CABDALE IYO SH.CAWAREERE OO LAGU QABTAY STOCKHOLM

  03-05-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  





Waxaa Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden Malintii Sabtida ahayd ka dhacday siyaaradii Sheekh Cabdale iyo Sheekh Cawareere Siyaarada oo Sanad walba ka dhacda Daafaha caalamka Gaar ahaan Wadanka Sweden ayaa waxaa sanadkaan si weyn uga soo qeyb galay Mashaa,ikh waaweyn oofarabadan.

Siyaarada ayaa waxaa looga kala yimid Daafaha Magaalada Stockholm iyo waliba Gobolada iyo Filand Xaflada oo Malintii Sabtida ahayd Bilaabatay ayaa waxaa lagu Furay Qur,aanka Kariimka ah iyo waliba Muxadarooyin Diini ah halkaasi looga soo jeedinayay Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay.


dadkii ka soo qeyb galay oo isugu jiray Culumo,Odayaal ,Dhalin yaro,Haween iyo Caruur ayaa waxaa dhamantood ay aad ugu faraxsanyeen habka ay culumadu uga haqab tireyso Diinta ayada oo sidoo kale culumada halkaasi isugu timid bulshadii nasiibka u yelatay in ay Siyaarada ka soo qeyb gasho Uga shekeeyay mahiimaha ay leedahay dadka wanaagsan inlagu xirnaado.


Waxaana Siyaarada xalay saqdii dhaxe ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana culumada halkaasi isugu yimid ay u duceyeen dhamaan Umadaha islaamka ayaga oo gaar haan u duceeyay umada soomaaliyeen iyo Dadkii Siyaarada u istaagay in ay dhigaan ayada oo Khitaamkana lagu soo xiray siyaarada Qasiidooyin aad umacanaa.

Siyaaraadaan oo ahayd mid ay ka muuqatay bilic ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowday nuur iyo nafaxaad.

Xafiiska Sunnaweb Sockholm:
E-mail: Sunnaweb@hotmail.com













































COMMENTS (1)
Jaamac says:
Friday, March 08, 2013 at 18:13:55

Maashaa.allaah waa qayrkaas ilaahey ha idinka jiseeyo ayaan idin leeyahay
Page
ADD YOUR COMMENT
Name :    
Email :    
Comment :    
Verification Code :  
 
 
su'aallo & jawaabo